Talaado, Juun 16, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Gaashaanle Dhexe Aadan Jeelle Cali, oo ahaa Taliyaha Guutada 23-aad ee Booliska Militariga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale ay magacawday taliye cusub oo beddelaya.

War kasoo baxay taliska ciidamada ayaa lagu xaqiijiyay in Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cismaan Jimcaale loo magacaabay Taliyaha cusub ee Guutada 23-aad, halka Aadan Jeelle si rasmi ah xilka looga qaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale lagu waramayaa inuu bilaabay xil-ka-qaadis iyo isku shaandheyn lagu sameynayo saraakiisha amniga, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay lumiyeen kalsoonida dowladdu ay ku qabto xilligii xiisadaha siyaasadeed ee Muqdisho ka taagnaa.

Warar laga helay ilo ku dhow arrintan ayaa sheegaya in xil-ka-qaadistan ay timid kadib markii Aadan Jeelle lagu eedeeyay inuu diiday fulinta amarro militari oo la xiriiray xiisadihii siyaasadeed ee bilowgii bisha Juun.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sidoo kale tilmaamaya in 4-tii Juun uu diiday inuu ka qayb qaato howlgal la sheegay inuu bartilmaameedsanayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isla markaana uu ciidamadiisa u wareejiyay dhanka garoonka Qoob-dooro.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu diiday amarro la xiriiray dabagalka kooxo hubeysan oo lala xiriirinayay Cabdullaahi Maxamed Nuur, kuwaas oo la sheegay in laga daba joogay ilaa deegaanka Cadale. Diidmadaas ayaa la sheegay inay qeyb ka ahayd sababaha keentay xilka qaadistiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli ma aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo dheeraad ah marka laga reebo xaqiijinta isbeddelka hoggaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay cirka isku sii shareereen xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka taagan Muqdisho, kadib dagaallo iyo iska horimaadyo la xiriira awoodda dowladda iyo mucaaradka.