Arbaco, May 27, 2026 (Baidoa Online) Hassan Sheikh Mohamud ayaa khudbad adag ka jeediyay magaalada Muqdisho, isagoo si kulul u weeraray mucaaradka dowladda ku eedeeya in muddo xileedkiisu dhammaaday isla markaana dib u dhac ku yimid doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa si cad u diiday eedeymaha sheegaya in dowladdiisu waqtigeedii dhaaftay, isagoo sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay in laga heshiiyo hannaanka doorashooyinka dalka. Xasan Sheekh wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya ay horay u socoto, islamarkaana aan dib loogu laaban doonin xaaladihii qalalaasaha iyo jahwareerka siyaasadeed ee hore dalka uga jiray.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay haysato ciidamo awood leh oo awood u leh sugidda amniga iyo difaaca hay’adaha dowladda. Hadalladiisa ayaa loo fasirtay digniin ku wajahan mucaaradka oo maalmihii dambe sare u qaaday dhaliilaha ka dhanka ah maamulka iyo hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weerar afka ah ku qaaday Somaliland kadib warar la xiriira furitaanka xafiis diblomaasiyadeed lala xiriirinayo Qudus. Wuxuu tallaabadaasi ku tilmaamay “nasiib darro” iyo arrin aan la aqbali karin, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay ka hortagi doonto wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha uu muujinayo xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa, xilli ay weli taagan yihiin muranno ku saabsan doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamullada goboleedyada.

Dadka dhaliila madaxweynaha ayaa ku doodaya in khudbaddiisu ka muuqatay caro iyo mowqif adag oo uu ka qaatay mucaaradka siyaasadeed. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ku celcelinta awoodda ciidamada ay muujin karto in dowladdu si weyn ugu tiirsan tahay hay’adaha ammaanka si ay u sii xajisato awoodda siyaasadeed xilli cadaadis siyaasadeed uu sii xoogeysanayo.

Hadalladan ayaa la filayaa inay sii kordhiyaan kala qeybsanaanta siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka