Sabti, May 23, 2026 (Baidoa Online) -Afhayeen u hadlay ciidamada taabacsan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa sheegay in kooxdoodu ay isu diyaarinayso inay dib ula wareegto magaalada Baydhabo maalmaha soo socda, isagoo sidoo kale ciidamada ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyeellada shacabka.

Afhayeenka ayaa hadalkan ka sheegay isagoo la hadlayay ciidamo hubeysan oo ku sugan duleedka Baydhabo, wuxuuna ku booriyay inay ilaaliyaan anshaxa isla markaana dhowraan badqabka dadka rayidka ah haddii ay gudaha u galaan magaalada.

“Waxaan difaaceynaa dhulkeena, waxaana dhawaan jabin doonnaa ciidamada naga yimid Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka. “Wax kasta ha naloo yeeree, waxaan u dagaallameynaa xoraynta dhulkeena.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uusan ahayn mid shacabka lagu kala qaybinayo, balse uu yahay dadaal lagu doonayo in maamulka gobolka dib loogu soo celiyo gacantooda.

“Dagaal nagama dhexeeyo dad walaalo ah. Waxaan diyaar u nahay inaan maamulkeena dib ugu soo celino gacmaheena,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli xiisado amni ay sare u kaceen magaalada Baydhabo, halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen falal amni darro iyo weerarro habeenkii ah.

Sida uu sheegay afhayeenku, ciidamada taabacsan Lafta Gareen ayaa weerarro dhowr ah ku qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamo laga keenay Muqdisho. Kooxda ayaa ciidamadaasi ku tilmaantay “ciidamo soo duulay” waxayna sheegeen in dhawaan laga saari doono Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin hadalladii ugu dambeeyay ee kasoo yeeray dhinacaasi.

Baydhabo oo ah xarun muhiim ah oo siyaasadeed iyo maamul oo ku taalla Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay khilaafyo siyaasadeed iyo murano la xiriira awood qeybsiga iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka gobolka.