Khamiis , Juun 4, 2026 (Baidoa Online) -Maamulka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay weerar hubeysan oo lagu qaaday guryaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu mas’uul ka yahay weerarkaasi iyo wixii khasaare naf iyo maalba leh ee ka dhasha.

Puntland ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, iyadoo ku baaqday in la joojiyo falalka gacan ka hadalka ah isla markaana la raadiyo xal siyaasadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka jira.

Maamulka Puntland wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn si looga fogaado sii hurinta xiisadaha iyo colaadaha ka jira caasimadda.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Muqdisho ka socdaan iska horimaadyo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ah qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo sababay cabsi amni iyo barakac ay la kulmeen qaar kamid ah shacabka ku nool deegaanada ay dagaalladu ka dhaceen.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha ay Puntland u jeedisay, iyadoo xaaladda magaalada Muqdisho ay weli tahay mid kacsan.