Khamiis, May 21, 2026 (Baidoa Online) -Puntland Government ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in aysan mar dambe u aqoonsaneyn Hassan Sheikh Mohamud inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Dowladda Federaalka ay lumisay sharciyaddii iyo kalsoonidii lagu doortay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Xukuumadda Puntland ayaa lagu sheegay in la soo dhaweynayo go’aannadii kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxgaradka iyo saamileyda siyaasadda, ay iskugu yimaadaan wadatashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka dalka.

Puntland ayaa sidoo kale digniin u dirtay dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo uga digtay inay heshiisyo la galaan dowlad aan loo dhameyn heshiiskeeda siyaasadeed, arrintaas oo ay sheegtay inay dhaawici karto danahooda mustaqbalka.

Maamulka Puntland ayaa cambaareeyay tallaabooyinka Dowladda Federaalka ee la xiriira dhul-boobka, barakicinta shacabka, iyo xarigga dadka aragtida siyaasadeed ka duwan dowladda dhexe.

Go’aankan cusub ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Puntland Government iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo falanqeeyayaashu ka digayaan in khilaafka sii xoogeysanaya uu wiiqi karo wadajirka siyaasadeed iyo geeddi-socodka dowlad dhiska dalka.