Khamiis, May 21, 2026 (Baidoa Online) -Taliyihii ciidanka Daraawiishta degmada Qansax Dheere iyo ciidamo uu watay ayaa ku biiray ciidamada taabacsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen ee ku sugan duleedka Baidoa.
Ciidamadan cusub ayaa waxaa si rasmi ah usoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo saraakiil kale oo taageersan maamulka Laftagareen, iyadoo arrintan loo arko is uruursi ciidan iyo mid siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Maalmihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay askar ka baxeysa saldhigyada Baydhabo kuna biiraya waxa isku magacaabay “Ciidamada Xorta ah ee Koonfur Galbeed,” kuwaas oo sheegay inay ka hortagayaan faragelin uga imaaneysa Muqdisho islamarkaana doonaya “xoreynta Baydhabo.”
Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in kala qeybsanaanta ciidamadu ay sii hurin karto xiisadda siyaasadeed iyo amni ee gobolka, iyadoo shacabka Baydhabo ay walaac ka muujinayaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee kusoo badanaya duleedka magaalada.



