Arbaco , May 20, 2026 (Baidoa Online) -Xiisad culus ayaa ka dhalatay degmada Shibis gaar ahaan xaafadda Buulo-Daa’uud, kadib markii dadka laga raray guryahoodii ay maanta sameeyeen bannaanbax ay uga cabanayaan burburin guryo iyo barakicin lagu sameeyay.

Dadka dibadbaxa dhigayay oo isugu jiray haween, carruur iyo dad waayeel ah ayaa lagu arkayay iyagoo wejiyada iyo gacmaha isku qarinaya, taasoo ay ku tilmaameen astaan muujinaysa cabsi, cadaadis iyo awood la’aan ay ka dareemayaan xaaladda ka taagan deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay fariin ay ku muujinayaan in aysan haysan meel ay ku cabbiraan cabashadooda marka laga reebo banaanbaxyo noocan ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qoysaska laga barakiciyay guryahooda ay isugu soo baxeen isla goobihii guryahoodu hore ugu yaalleen, halkaas oo ay ka muujiyeen caro iyo murugo ku saabsan burburinta guryahooda. Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay maamulka iyo ciidamada ammaanka in si qasab ah loo burburiyay guryo ay muddo dheer deganaayeen, iyadoo aan la siin wax digniin ah, magdhow ama qorshe dib-u-dejin ah.

Sidoo kale, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dad loo xiray markii ay isku dayeen inay ka hor yimaadaan burburinta ama ay su’aalo ka keenaan howlgalka.

Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Shibis ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan eedeymaha ay dadka deegaanka soo jeediyeen. Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, iyadoo shacabka ay dalbanayaan in si degdeg ah loo joojiyo burburinta iyo barakicinta.