Jimco, May 15, 2026 (Baidoa Online) -Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hadlay hadal uu caawa jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo sheegay in muddo-xileedkiisu uu ku egyahay 15-ka May 2027.

Xasan Cali Khayre, oo ka hadlayay kulan siyaasadeed oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha uu yahay mid qalad ku ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Duqa caawa wuxuu inoo sheegay in 15-ka May 2027 uu ku egyahay muddo-xileedkiisa, taasna waa qalad uu ka galay dadka iyo dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Khayre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa tilmaamay in muddo-xileedka Madaxweynaha uu si rasmi ah u dhammaaday 15-ka May 2026, isagoo ku eedeeyay dowladda inay isku dayeyso muddo kororsi aan heshiis siyaasadeed iyo sharciyad qaran lagu dhisin.

Khayre wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, wadatashi qaran, iyo heshiis ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda dalka si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo khilaaf hor leh.

Hadalka Khayre ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareereen xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay fashilka wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaasi oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in dalka uu galay marxalad dastuuriyan mugdi ku jirto kadib dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha, halka dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso sii wadista hannaanka ay waddo.