Arbaco , May 26, 2026 (Baidoa Online) -Janaraal Sadaq Joon Oo Fariin Digniin Ah U Diray Madaxweyne Xasan Sheekh, Kana Digay In “Nabadda Dhuusamareeb iyo Wardhiigleey Ay Isku Xiran Yihiin” — Falanqeeyayaal Ayaa Hadalkaas Ku Fasiray In Haddii Weerar Lagu Qaado Dhuusamareeb, Jawaab Lagu Beegsan Karo Madaxtooyada Ku Taalla Wardhiigleey ee Muqdish


Janaraal Sadaq Joon, oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee la dagaallantay dowladdii madaxweynihii hore ee Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa fariin loo fasirtay digniin siyaasadeed u diray Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu Janaraalku ku shaki geliyey sida ay nabad ugu sii ahaan karto Madaxtooyada Soomaaliya haddii xaalad hubeysan ama fowdo laga abuuro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigleey waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu ku yiri qoraalka.

Hadalkan ayaa siyaasad ahaan loo fasirtay inuu si dadban ugu socdo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo mucaaradka qaarkood ay ku eedeeyeen inuu saameyn ku leeyahay hannaanka doorashada Madaxweynaha Galmudug ee soo socota.

Villa Soomaaliya oo ku taalla degmada Wardhiigleey ee Muqdisho ayaa la sheegay in maalmahan si weyn loo adkeeyey amnigeeda, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed.

Janaraal Sadaq Joon ayaa hore uga mid ahaa saraakiishii si adag uga hor timid dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii uu jiray khilaafka siyaasadeed iyo amni ee dalka.