Axad, May 24, 2026 (Baidoa Online) -Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga iyo Pakistan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu taageerayo canbaarayn ay saxiixeen 15 dal oo ka mid ah kuwa ugu saameynta badan dunida Islaamka, taas oo ka dhalatay tallaabada Somaliland ay xafiis uga furtay magaalada Qudus.
Bayaanka ayaa si adag loogu cambaareeyay furitaanka xafiiskaas, iyadoo lagu xusay in Qudus ay tahay magaalo leh xaalad sharci iyo mid siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, isla markaana weli ku jirta muran caalami ah.
Dalalka saxiixay canbaaraynta ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifkooda ku aaddan qaraarrada caalamiga ah ee la xiriira Qudus, iyagoo diiday wax kasta oo ay ku tilmaameen isku day lagu beddelayo maqaamka magaalada.
Arrintan ayaa si gaar ah u soo jiidatay indhaha diblomaasiyadda gobolka, iyadoo Somaliland ay sii waddo dadaallada ay ugu jirto xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xafiisyo dibadda ah. Ma jirto ilaa hadda jawaab rasmi ah oo ka soo baxday maamulka Somaliland oo ku saabsan bayaankan cusub.
Mowduucan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda caalamiga ah ee la xiriirta maqaamka magaalada Qudus iyo khilaafka Bariga Dhexe.


