Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo ay sii xoogeysanayaan banaanbaxyo la qorsheeyay oo ka dhan ah muddo kordhin la sheegay. Warar ayaa sheegaya in ciidamo badan la geeyay xaafado dhowr ah, gaar ahaan meelaha lala xiriiriyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga hortago isu imaatinka shacabka.

Dadka degan qaar ka mid ah xaafadaha degmada Hawlwadaag ayaa la soo sheegay inay bilaabeen inay ka qaxaan guryahooda, kadib cabsi isa soo taraysa oo ku saabsan iska horimaad suuragal ah oo dhex mari kara ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka, kuwaas oo lagu sheegay inay aad isugu dhow yihiin. Tallaabadan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo in xaaladdu ka sii darto.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay isku dayeyso inay caburiso codka shacabka, iyadoo adeegsanaysa ciidamada amniga si loo xakameeyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka loona xaddido ka qeybgalka dadka rayidka ah ee banaanbaxyada. Sida ay sheegeen mucaaradku, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa looga gol leeyahay in laga hortago banaanbaxyo lagu wado inay ka dhacaan Muqdisho 4-ta Juun.

Arrintan ayaa timid kadib eedeymo hore oo la soo jeediyay 10-kii May, markii mucaaradku ku eedeeyeen dowladda inay ciidanka qaranka u adeegsatay kala eryidda dibadbaxayaal nabadeed, oo ay ku jiraan masuuliyiin hore oo qorsheynayay banaanbaxyo ka dhan ah barakicinta dadka reer Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya walaac cusub oo ku saabsan amniga caasimadda. Sawirro iyo xog laga helayo xaafadaha ay xaaladdu saameysay ayaa tilmaamaya dhaq-dhaqaaqyo badan oo shacabka ah iyo cabsi sii kordheysa, taas oo dhalinaysa cabsi laga qabo iska horimaad haddii xiisaddu sii kororto.

Ma jirto illaa hadda jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca dowladda oo ku saabsan eedeymahan cusub.