Jimco, May 22, 2026 (Baidoa Online) -Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaday guriga uu ku lahaa Taliye Amni Maxamed Cusmaan, oo loo yaqaan “Aamin Ad-Daruur”, kaas oo horey u soo noqday Taliyihii Booliiska Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay si toos ah u galeen guriga Taliyaha, iyagoo halkaas ka qaaday hub nooca AK-47 ah oo uu haystay ilaalada guriga.

Guriga la beegsaday ayaa ku yaalla xaafadda Cadaada ee magaalada Baydhabo.

Ilo aan rasmi ahayn ayaa tilmaamaya in Taliye Aamin uu yahay sarkaal si dhow ula shaqeeya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin faahfaahinta xiriirkaas.

Weerarkan ayaa si degdeg ah u dhaliyay caro iyo falcelin xooggan oo ka timid qaar ka mid ah qaraabada iyo taageerayaasha Taliyaha, kuwaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo iyo hadal-heyn ku saabsan sababta ka dambeysa howlgalka.

Ilaa hadda, ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo si faahfaahsan u sharaxaya sababta howlgalka ama waxa dhabta ah ee lagu bartilmaameedsaday guriga Taliyaha.

Xiisaddan ayaa ku soo beegmeysa xilli magaalada Baydhabo ay horey uga jireen xaalado siyaasadeed iyo amni oo mararka qaar kacsanaan dhaliya.