Arbaco, Juun 10, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si rasmi ah uga haray doorashada madaxtinnimada ee ka socota magaalada Baydhabo, isagoo sheegay inuusan mar dambe u arkin geeddi-socodka socda mid doorasho dhab ah ah.
Shariif Xasan ayaa sheegay in isaga iyo taageerayaashiisu ay muddo laba bilood ah sugayeen in la qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay, balse ay maanta ka quusteen rajadii ay ka qabeen hanaanka doorashada.
“Laba bilood doorasho hufan ayaan sugeynay, maanta waa ka quusanay,” ayuu yiri Shariif Xasan.
Musharraxa ka haray tartanka ayaa sidoo kale dhaliilay habka ay doorashadu u socoto, isagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn habraacyada doorasho xor iyo xalaal ah.
“Annaga doorashada waan ka harnay. Waxa Baydhabo ka socota waa nin dooran doorta. Waxaa la rabaa in la qariyo waxa meesha ka socda,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ka bixitaanka Shariif Xasan ee tartanka ayaa imanaya xilli xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ku guda jiraan codbixinta lagu dooranayo madaxweynaha hoggaamin doona dowlad goboleedka shanta sano ee soo socota.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo ay hareeyeen muranno siyaasadeed iyo eedeymo la xiriira hufnaanta geeddi-socodka doorashada.
