MUQDISHO, Soomaaliya — 19-ka Oktoobar 2026-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo ay soo saartay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka digay in tallaabooyinka siyaasadeed ee aan heshiiska lagu ahayn ay dalka u horseedi karaan khilaaf siyaasadeed oo hor leh.
War-saxaafadeed uu Goluhu soo saaray maanta oo Isniin ah, 19-ka Oktoobar 2026, ayuu ku sheegay in jadwalka doorashooyinka ee la shaaciyey uu yahay mid aan ku dhisnayn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana dhaawacaya dadaalladii lagu doonayey in xal looga gaaro muranka doorashooyinka dalka.
Goluhu wuxuu ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku tilmaamay Madaxweyne waqtigiisii dhammaaday, inuu qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo aan lagala tashan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo sida uu Goluhu sheegay sii fogeynaya rajadii laga qabay in heshiis laga gaaro hannaanka doorashooyinka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka digay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay khataraha joogtada ah ee kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, halista fatahaadaha El Niño, dhaqaale-xumada baahsan iyo khilaafaadka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aannada siyaasadeed ee halka dhinac ah ay sii wiiqi karaan kalsoonida siyaasadeed, wadajirka bulshada iyo awoodda hoggaanka dalka ee wax looga qaban karo caqabadaha jira.
Goluhu wuxuu si gaar ah u tilmaamay colaadaha ka socda Koonfur Galbeed iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Hirshabeelle, isagoo ka digay in muranka doorashooyinka uu sii hurin karo xiisadaha ka jira deegaannadaas.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa caddeeyey inuu diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo lagu gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo horseedi kara hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay iyo jadwal macquul ah oo la hirgelin karo.
Goluhu wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu joojiyo tallaabooyinka halka dhinac ah, isla markaana dib ugu soo laabto miiska wadahadalka si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii Madaxweynaha uu ku adkeysto go’aannadiisa, Goluhu uu qaadi doono tallaabooyin kale oo dastuurka iyo siyaasadda waafaqsan, kuwaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ah inay helaan doorasho hoggaan sharciyad leh.
Golaha ayaa ku adkeystay in qof ama koox gaar ahi aysan keligeed go’aan ka gaari karin mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyadda dalka si wadajir ah loo qaado.
Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada dalka, kana hortagaan tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwa sharcidarrada ah ee ka hor imaanaya dastuurka iyo nidaamka federaalka.
Sidoo kale, wuxuu beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu badbaadinayo xasilloonida siyaasadeed iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.
War-saxaafadeedkan ayaa muujinaya khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu ku adkeysanayo in wadahadal, heshiis siyaasadeed iyo ilaalinta dastuurka ay yihiin waddada looga gudbi karo muranka doorashooyinka Soomaaliya.


