Khamiis, Juun 18, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Cali Siyaad (Champion).
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo kala duwan, sababta ugu weyn ee xilka looga qaaday Champion ayaa lagu sheegay inuu si joogto ah uga hadlay arrimaha musuqmaasuqa iyo maamulka dalka, iyadoo la sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda aysan ku qanacsanayn hadalladiisa dadweynaha.
Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegayaan in dowladda ay ka walaacsanayd xiriirka iyo isu-dhawaanshaha Champion uu la lahaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, arrintaas oo la rumeysan yahay inay sii xoojisay khilaafka u dhexeeyay isaga iyo madaxda sare ee dowladda.
Maxamed Cali Siyaad (Champion) ayaa muddo ku dhow 15 sano caan ku ahaa taageerada dadka danyarta ah, isagoo fulin jiray adeegyo iyo gargaar bulsho oo lacag la’aan ah, taasoo sababtay in xil ka qaadistiisa ay ka careysiiso taageerayaal badan.
Xil ka qaadistii Guddoomiyihii Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mohamed Ali Siad (Champion), ayaa durba dhalisay saameyn cusub, kaddib markii xubin ka tirsan Golaha Dhallinyarada Qaranka uu ku dhawaaqay is-casilaaddiisa isaga oo ka xumaaday sida loola dhaqmay guddoomiyihii hore.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa xilkii ka qaaday Mohamed Ali Siad (Champion), isagoo beddelkiisana u magacaabay Cabdikaafi Maxamuud Makaraan
Arrintan ayaa salka ku haysa khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo Maxamed Champion. Khilaafka ayaa si weyn u soo shaac baxay 10-kii Juun 2026, kaddib markii Champion laga reebay soo dhoweyntii Garsoore Cumar Carte ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Inkastoo uusan ka mid ahayn masuuliyiintii loo xil saaray qabanqaabada munaasabadda, haddana Champion ayaa goobta tagay isaga oo iskiis isu xilqaamay, waxaana muuqashadiisa iyo dhaqdhaqaaqyadiisa halkaas ka dhashay hadal-heyn iyo falcelin ballaaran.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in khilaafka u dhexeeyay wasiirka iyo Champion uu sii xoogaystay bilihii u dambeeyay, iyadoo sidoo kale la hadal hayo inuu si fagaare ah uga hadlay arrimo la xiriira musuqmaasuqa iyo maamulka dowladda, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay oo arrimahaas xaqiijinaya.
Cabdikaafi Maxamuud Makaraan, oo hore u ahaa Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa sheegtay in magacaabistan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo horumarinta, awood-siinta iyo ka qaybgalka dhallinyarada Soomaaliyeed ee hannaanka dowlad-dhiska dalka
Dhanka kale, taageerayaasha Champion ayaa si weyn uga falceliyay xil ka qaadistiisa, iyadoo qaarkood ay ku tilmaameen go’aanka mid aan cadaalad ahayn, halka xubin ka tirsan Golaha Dhallinyarada Qaranka uu is casilay isagoo sheegay inuu ka xun yahay qaabka loola dhaqmay guddoomiyihii hore.


