Isniin, Juun 1, 2026 (Baidoa Online) -Beesha caalamka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal iyo in laga fogaado tallaabooyin sii kordhin kara xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed wadajir ah oo la soo saaray 1 June 2026 ayaa lagu muujiyay walaac ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo dhammaan dhinacyada lagu boorriyay inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si looga hortago sii xumaanshaha xaaladda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay baahida loo qabo in si degdeg ah loo bilaabo wada-hadallo lagu gaarayo hannaanka doorasho ee loo dhan yahay, kaas oo ka tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan ku baaqeynaa in dhammaan dhinacyadu ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabtaan wadahadalka, isla markaana si degdeg ah loo gaaro heshiis ku saabsan qorshaha doorashada oo danta shacabka Soomaaliyeed ku jirto,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Saxiixayaasha ayaa carrabka ku adkeeyay in xal wadahadal iyo nabadeed uu yahay jidka keliya ee la mari karo, iyagoo ka digay in xaaladda siyaasadeed ee sii murugaysa ay halis gelin karto xasilloonida dalka. Waxa ay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan hannaan ay Soomaali hoggaaminayso oo lagu fududeynayo wadahadalka, haddii loo baahdo.
Ergeyda iyo hay’adaha caalamiga ah ee bayaanka saxiixay waxaa ka mid ah wakiillo ka socda dalalka Yurub iyo Afrika, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka howlgala Soomaaliya. Dalalka saxiixay waxaa ka mid ah Norway, Sweden, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Midowga Yurub.
Beesha caalamka ayaa sidoo kale ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay muujiyaan deganaan iyo mas’uuliyad siyaasadeed, iyagoo ka digay in tallaabooyin keli-talisnimo ah ay sii xoojin karaan kala qeybsanaanta.
Waxay dib u xaqiijiyeen taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan nabad-dhisidda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lagu shaqeeyo heshiis iyo is-afgarad siyaasadeed.

