Arbaco, Juun 17, 2026 (Baidoa Online) -Xulka Qaranka Soomaaliya ee Gabdhaha da’doodu ka yar tahay 17 jir ayaa guul taariikhi ah ka gaaray dhiggooda Sudan, kadib markii ay 8-2 ku garaaceen kulan ka tirsanaa tartanka CECAFA U-17 Girls Championship ee ka socda magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah, iyagoo si buuxda u maamulay kulanka islamarkaana dhaliyay siddeed gool oo muujinaya horumarka ay sameynayso kubadda cagta haweenka Soomaaliya.

Guushan weyn ayaa ah mid ka mid ah natiijooyinka ugu taariikhiga badan ee ay gaaraan gabdhaha xulka Soomaaliya, waxayna sare u qaadaysaa rajada kooxda ee tartanka CECAFA oo ay ku loollamayaan xulal ka socda Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Natiijadan ayaa sidoo kale muujinaysa koboca iyo horumarka sii kordhaya ee ciyaaraha haweenka Soomaaliyeed, iyadoo taageerayaashu ay si weyn u soo dhaweeyeen guusha cajiibka ah ee ay xulka qaranku gaareen.