Arbaco , May 26, 2026 (Baidoa Online)- Madaxweynaha Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadallo la sheegay in uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ku saabsanaa in aan la oggolaan doonin in calanka Somaliland laga taago magaalada Qudus (Jerusalem).
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan wax saameyn ah ku yeelan karin mawqifka iyo go’aannada Somaliland, isagoo sheegay in “ciyaartu ay dhammaatay,” isla markaana aysan jirin wax awood ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku faragelin karto arrimaha siyaasadda, xiriirrada dibadda, iyo go’aamada Somaliland.
Waxa uu ku adkeeyay in Somaliland ay muddo dheer ku jirtay dadaallo ay ku xoojinayso maamulkeeda, hay’addeeda dowladnimo, iyo xiriirrada ay la leedahay beesha caalamka, isagoo xusay in ay hore u gaartay yoolal muhiim ah oo ay u dejisay jihada siyaasadeed ee ay ku socoto.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay si madax-bannaan u maamusho arrimaheeda gudaha iyo dibadda, ayna sii wadi doonto siyaasaddeeda ku saleysan danaha shacabka Somaliland.
Dhanka kale, hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan hadal-heynta iyo is-dhaafsiga siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, taas oo inta badan salka ku haysa arrimaha madax-bannaanida, matalaadda caalamiga ah, iyo aqoonsiga Somaliland.
Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan hadalka Madaxweynaha Somaliland.
