Arbaco , May 20, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in maamulka waqooyi-galbeed Soomaaliya uu ku doonayo inuu ku furo waxa loogu yeeray “safaarad” magaalada Jerusalem, iyadoo ku tilmaamtay arrintaasi mid sharci-darro ah oo aan wax saameyn sharciyeed ah lahayn.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay markale xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay “si buuxda u diiddan tahay tallaabo kasta ama ficil hal dhinac ah oo dhaawacaya xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dowladda Soomaaliyeed ama ka hor imaanaya sharciyadda caalamiga ah iyo go’aannada ururrada heer gobol iyo heer caalami.”

Dowladdu waxay si gaar ah u cambaareysay “isku dayga maamulka waqooyi-galbeed Soomaaliya uu ku doonayo inuu ku daahfuro waxa loogu yeeray safaarad ku taalla Jerusalem.”

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu adkeeyay in tallaabadaasi ay tahay “mid gebi ahaanba waxba kama jiraan ah marka laga eego dhinaca sharciga,” isla markaana aysan lahayn wax sharciyad ama saameyn rasmi ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tallaabadaasi ku tilmaantay “xanaaq iyo kicin aan la aqbali karin oo ka dhan ah dunida Carabta iyo Islaamka.”

War-saxaafadeedka ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay xasaasiyadda caalamiga ah ee ku saabsan xaaladda magaalada Jerusalem, taas oo muddo dheer ahayd arrin muran siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed dhalisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku celisay in maamulka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ay si gaar ah ugu kooban yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo keliya.