Axad, May 24, 2026 (Baidoa Online) -Xildhibaan Cabdiwahaab Macallin Salaad oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada taabacsan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” ee ku sugan deegaanada duleedka Baydhabo.
Xildhibaanka ayaa waxaa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdiqaadir iyo Afhayeenki hore ee Koonfur Galbeed, iyadoo ay goobta joogeen mas’uuliyiin, saraakiil iyo taageerayaal kale.
Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey go’aanka Xildhibaan Cabdiwahaab, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo shacabka iyo ciidamada Koonfur Galbeed.
Wasiirka hore ee Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir ayaa sheegay in mideynta madaxda, ciidamada iyo bulshada reer Koonfur Galbeed ay muhiim u tahay waxa uu ku sheegay “halganka dib u xoreynta” deegaannada maamulkaasi.
Dhanka kale, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa lagu soo warramayaa inay gashay marxalad siyaasadeed iyo mid amni oo aad u cakiran, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen iyo maamulka ay taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada.
Wararka laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen ay ku sugan yihiin duleedka Baydhabo, islamarkaana ay wadaan abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada.
Sidoo kale, ilo kala duwan ayaa sheegaya in askar badan ay maalmihii lasoo dhaafay si joogto ah uga baxayeen gudaha Baydhabo, kuwaasi oo ku biiraya ciidamada ku sugan duleedka magaalada ee taageersan Madaxweyne Laftagareen.
Arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Baydhabo, iyadoo dadka deegaanka iyo siyaasiyiinta ay si dhow ula socdaan isbeddellada ka socda magaalada iyo nawaaxigeeda.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa ciidan ee ka socda Baydhabo ay saameyn weyn ku yeelan karaan mustaqbalka siyaasadeed iyo amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.





