Arbaco, Juun 10, 2026 (Baidoa Online) -Waxaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Baydhabo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo laba musharrax—Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdisiis Jawaarey—ay ku tartamayaan xilka hoggaaminta maamulka.

Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa guda galay codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee hoggaamin doona shanta sano ee soo socota. Doorashada ayaa si dhow loola socdaa, iyadoo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo saameyn ku leh habsami u socodka geeddi-socodka.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid tijaabo siyaasadeed u ah saameynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la filayo in musharraxa uu taageerayo uu ku guuleysan karo. Falanqeeyayaashu waxay sidoo kale tilmaamayaan in xaaladda Baydhabo ay la mid tahay doorashadii 2018 ee lagu doortay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, xilli uu isbeddel ku yimid awooddii dowladdii hore ee federaalka.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadaallo ay hormuud ka ahaayeen Wasiir Cali Xoosh iyo Jibriil oo lagu doonayay in lagu qanciyo Sharif Xasan inuu gudaha u galo hoolka doorashada ay fashilmeen. Waxaa la sheegay in uu dib ugu laabtay gurigiisa, iyadoo codbixintu ay si caadi ah uga socoto gudaha hoolka.