Isniin , May 25, 2026 (Baidoa Online) -Xiisad xooggan ayaa laga soo sheegayaa magaalada Muqdisho, kadib markii ay dibadbaxyo ka dhaceen qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda, kuwaas oo dadweyne ay ku muujiyeen cabashooyin siyaasadeed iyo dalabyo la xiriira isbeddel.

Ciidamada ammaanka ayaa si ballaaran loo geeyay qaybo muhiim ah oo magaalada ka mid ah, si loo xakameeyo isu soo baxa loogana hortago in banaanbaxayaashu gaaraan goobo xasaasi ah. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in kooxo kale oo hubeysan lagu arkay agagaarka meelaha ay isku soo baxyadu ka dhacayaan, taas oo sii kordhisay xiisadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in jawigu aad u kacsan yahay, isla markaana ay jiraan ciidamo iyo kooxo kale oo si dhow isugu jira meelaha qaar, taas oo keentay walaac ku saabsan in xaaladdu ka sii dari karto. Hase yeeshee, ilaa hadda lama xaqiijin wax iska horimaad ah ama khasaare nafeed oo rasmi ah.

Banaanbaxyadan ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo dhinacyo kala duwan ay muujinayaan mowqifyo iska soo horjeeda.

Mas’uuliyiinta dowladda weli si faahfaahsan ugama aysan hadlin xaaladda, waxaana xaaladdu tahay mid weli socota.