Khamiis, Juun 18, 2026 (Baidoa Online) -Kumannaan arday oo dhigta fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay imtixaanaadkoodii shahaadiga ahaa ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026, iyagoo soo afjaray marxalad muhiim ah oo ka mid ah waxbarashadooda. Sida ay sheegeen masuuliyiinta waxbarashada, sanadkan waxaa imtixaanka u fariistay in ka badan 46,000 arday oo ku kala sugan degmooyinka gobolka.

Kadib markii ay dhammeysteen imtixaankii ugu dambeeyay, boqolaal arday ayaa isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku muujiyeen farxaddooda iyo dabaaldegga guusha ay gaareen.

Ardayda ayaa lagu arkayay iyagoo sawirro qaadanaya, heeso iyo sacab ku muujinaya dareenkooda farxadeed, waxaana goobta ka muuqday jawi dabaaldeg iyo reyn-reyn leh oo ay ka qeyb qaadanayeen waalidiin iyo macallimiin.

Maamulka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay ardayda dadaalkooda iyo sida habsami leh ee uu u dhacay imtixaanka, iyagoo sidoo kale uga mahadceliyay waalidiinta, macallimiinta iyo ciidamada amniga doorkii ay ka qaateen sugidda amniga iyo nidaamka imtixaanaadka. Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa hore u shaaciyay jadwalka iyo diyaar-garowga imtixaannada sanadkan.

Natiijooyinka imtixaannada ayaa la filayaa in la shaaciyo toddobaadyada soo socda kadib marka la soo gabagabeeyo sixidda iyo hubinta waraaqaha imtixaanka.