Sabti, May 30, 2026 (Baidoa Online) -In ka badan 25,179 arday ayaa maanta guud ahaan deegaannada Puntland u fariistay Imtixaanka Mideysan ee Shahaadiga ah ee fasallada ugu dambeeya dugsiyada dhexe ee fasalka 8-aad iyo dugsiyada sare ee fasalka 4-aad.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa si rasmi ah u daahfurtay imtixaanka oo sanadkan ka qabsoomaya xarumo kala duwan oo ku yaalla gobollada Puntland, iyadoo la adkeeyay habraacyada lagu ilaalinayo hufnaanta iyo tayada imtixaanka.
Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa sheegay in imtixaankan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo nidaamka waxbarashada, isla markaana lagu xaqiijinayo in ardaydu helaan qiimeyn mideysan oo cadaalad ah.
Puntland ayaa muddo 23 sano ah si joogto ah u qaadaysay imtixaanka mideysan ee shahaadiga ah, waxaana nidaamkan loo arkaa mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee lagu xoojiyay tayada waxbarashada iyo kalsoonida lagu qabo shahaadooyinka laga bixiyo deegaannada Puntland.
Waalidiinta, macallimiinta iyo masuuliyiinta dowladda ayaa ardayda u rajeeyay guul, iyagoo ku boorriyay inay muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay soo barteen muddadii waxbarashadooda.
Imtixaanka ayaa la filayaa inuu socdo maalmaha soo socda, iyadoo natiijooyinkiisana la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo habraacyada sixidda iyo hubinta.

