Khamiis, May 28, 2026 (Baidoa Online) -Xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka taagan magaalada Baydhabo kadib markii ciidamo ka baxay gudaha magaalada lagu soo dhoweeyay duleedka Baydhabo halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada maanta ka baxay Baydhabo ay ku biireen fariisimo ay maamulaan ciidamada daacadda u ah Laftagareen, kaas oo dhowaan sheegay inuu wali yahay madaxweynaha saxda ah ee Koonfur Galbeed isla markaana uu dib ugu laaban doono Baydhabo isagoo adeegsanaya awood ciidan.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada goostay ay hore uga tirsanaayeen ilaalada iyo istaafka guddoomiyihii hore ee degmada Baydhabo, Cabdullaahi Cali Watiin, oo lagu tilmaamay siyaasi si dhow ula shaqeeya Laftagareen.

Cabdullaahi Cali Watiin ayaa hore looga saaray Baydhabo kadib markii ciidamada ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgal ka sameeyeen gurigiisa magaalada Baydhabo.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeysa iyadoo ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gudaha Koonfur Galbeed, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhacyo hubeysan oo ka dhaca magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.