Khamiis , Juun 4, 2026 (Baidoa Online) -Mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee Turkigu siiyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu gubay dagaal culus oo xalay ka dhacay Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah.

Gaadhigan ayaa gabi ahaanba burburay kadib markii uu ku gubtay iska horimaad xooggan oo la xiriira weerarro ka dhacay agagaarka guriga madaxweynihii hore ee Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dagaallada oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan waqooyiga magaalada, iyadoo xaaladdu ay weli kacsan tahay.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, rasaas goos-goos ah ayaa weli laga maqlayaa qaar ka mid ah degmooyinka ay saameeyeen iska horimaadyadu.

Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee caasimadda, iyadoo horey walaac looga muujiyay hubka culus ee gacanta u galaya dhinacyada siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah sababo la xiriira xaaladda oo weli cakiran.