Axad , May 31, 2026 (Baidoa Online) -Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Axaddii dhageysatay dacwad loo haysto laba muwaadin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kaddib markii lagu soo qabtay howlgal amni oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Xeer Ilaalinta, labada eedeysane ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) intii lagu guda jiray howlgal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baidoa, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Kaddib qabashadooda, dacwaddooda waxaa loo gudbiyay hay’adaha garsoorka militariga.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada nin ku soo oogtay dacwad la xiriirta ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, iyadoo maxkamadda loo soo bandhigay warbixino ku saabsan dagaallo la sheegay inay ka qeybgaleen, tababarradii ay qaateen iyo sida ay ku soo galeen gudaha Soomaaliya.

labada eedeysane ayaa lagu kala magacaabaa Xamse Ibraahim iyo Nasri abdiraxmaan Cali . Sida lagu sheegay fadhiga maxkamadda, labaduba waxay ku dhasheen magaalada Harar ee dalka Itoobiya, waxayna si wanaagsan ugu hadlaan afka Soomaaliga.

Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay in lagu rido xukun waafaqsan eedaha loo soo jeediyay, iyadoo ku doodday in tallaabadaasi ay gacan ka geysan karto ka hortagga dadka kale ee ku biiraya Al-Shabaab isla markaana ay muhiim u tahay sugidda amniga guud ee dalka.

Dhanka kale, qareenka difaacaya labada eedeysane ayaa sheegay in raggan ay si buuxda u beeniyeen eedaha loo haysto. Wuxuu ku tilmaamay dacwadda mid culus, isagoo sheegay in aan weli si rasmi ah loo caddeyn eedeymaha loo soo jeediyay.

Qareenka ayaa sidoo kale maxkamadda ka dalbaday in labada muwaadin ee Itoobiyaanka ah dib loogu celiyo dalkooda si ay ula midoobaan qoysaskooda.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay inay go’aan ka gaari doonto dacwadda kaddib marka ay soo gabagabeyso qiimeynta doodaha iyo caddeymaha ay soo bandhigeen Xeer Ilaalinta iyo qareenka difaaca. Xukunka kama dambaysta ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo waqti dambe.