Sabti, May 16, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Villa Somalia Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, wax yar kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wada-hadalladii siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha Soomaalida uga socday Xerada Xalane.

Kulanka ayaa yimid xilli Soomaaliya ay wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran kadib muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo dhammaadka muddada dowladda hadda jirta.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee Ankara iyo Muqdisho, taageerada amniga, iyo xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Turkiga ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga dhex muuqday arrimaha Soomaaliya, isagoo door muhiim ah ku leh dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, mashaariicda horumarinta, iyo taageerada dowladda federaalka.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka Turkiga ayaa imanaya xilli mucaaradka Soomaaliya ay dowladda ku cadaadinayaan inay aqbasho wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kadib fashilka shirarkii ugu dambeeyay ee Xalane.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto sidii ay u muujin lahayd inay weli haysato taageero diblomaasiyadeed iyo mid caalami ah, inkastoo uu sii xoogeysanayo khilaafka gudaha.

Dhanka kale, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ayaa muujinaya walaac ku saabsan waxa ay ku tilmaameen “faragelin dibadeed” iyo taageero loo adeegsanayo muranka siyaasadeed ee taagan.

Weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada mucaaradka oo si toos ah uga hadlay kulanka Villa Somalia iyo safiirka Turkiga, balse kulankan ayaa kusoo aadaya xilli indhaha siyaasadda Soomaaliya ay ku wajahan yihiin tallaabada xigta ee dowladda iyo mucaaradka.