Jimco , May 15, 2026 (Baidoa Online) -Wadahadalladii siyaasadeed ee mudada saddexda maalmood ah ka socday Muqdisho ayaa kusoo dhammaaday fashil, kadib markii dhinacyadii ka qeybgalayay ay ku guuldareysteen inay isku afgartaan hannaanka maareynta marxaladda kala guurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, xaaladda ayaa cirka isku shareertay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalintii shalay muujiyay dabacsanaan ku aaddan sidii loo heli lahaa hannaan lagu maareeyo marxaladda kala guurka, uu gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay mowqifkiisii hore, taasoo meesha ka saartay rajadii laga qabay in heshiis la gaaro.
Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, oo matalayay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa si cad u sheegay in aysan diyaar u ahayn inay sii wadaan dood hal qodob ku kooban oo saddex maalmood socotay, iyagoo u sheegay wakiillada beesha caalamka in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan muujin diyaar garow dhab ah oo ku aaddan ka shaqeynta hannaan kala guur ah oo lagu gaari karo doorasho loo dhan yahay.
Wakiillada caalamiga ah ee dhexdhexaadinayay wada hadalladan ayaa la sheegay inay dadaal xooggan geliyeen sidii loo badbaadin lahaa wadahadallada, hase yeeshee wararku waxay tilmaamayaan in dhinaca beesha caalamka laga filayo qoraallo iyo fariimo si toos ah u taabanaya madaxda Soomaalida ee ku guuldareystay inay heshiis gaaraan.
Dhanka kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa haatan wada yeelanaya kulan gaar ah, waxaana la filayaa inay caawa soo saaraan war-murtiyeed wadajir ah oo saxaafadda loo gudbin doono. Ilo hordhac ah ayaa sheegaya in xubno kamid ah golahaasi ay si rasmi ah warbaahinta ula hadli doonaan.
Sidoo kale, maamulka waqtigiisu gabaabsiga yahay ayaa la filayaa inuu wajaho cadaadis siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo sii kordhaya saacadaha soo socda, kadib fashilka ku yimid dadaalladii dhexdhexaadinta ee socday maalmahan.
