Arbaco, Juun 10, 2026 (Baidoa Online) -Soo dhaweyntii loo sameeyey garsoore Soomaaliyeed oo dhowaan laga soo celiyey dalka Maraykanka ayaa dhalisay dood iyo su’aalo ku saabsan hab-maamuuska dowladda iyo kaalinta masuuliyiinta sare ee qaranka.
Garsoorahan ayaa soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kadib markii laga soo masaafuriyey Maraykanka. Hase yeeshee, waxa dareenka shacabka soo jiitay ma ahayn oo keliya imaanshihiisa, balse waxa si gaar ah loo hadal hayaa in Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ku soo dhaweysay.
Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Wasiirka Gaashaandhigga, oo ah masuul sare oo mas’uul ka ah amniga iyo difaaca qaranka, loogu xil saaray soo dhaweynta muwaadin Soomaaliyeed oo dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo aan arrintani la xiriirin difaac, amni qaran ama hawlo militari.
Sida caadiga ah, arrimaha la xiriira ciyaaraha, garsoorayaasha iyo bahda isboortiga waxaa masuuliyaddooda leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ama xiriirrada ciyaaraha ee dalka. Sidaa darteed, qaar ka mid ah shacabka ayaa aaminsan in haddii dowladda ay doonaysay inay soo dhaweyso garsoorahan, ay ku filnaan lahayd in ay arrintaas fuliyaan masuuliyiinta ciyaaraha ama wasaaradda ku shaqada leh.
Dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa sidoo kale tilmaamaya in aysan waafaqsanayn hab-maamuuska dowladeed in Wasiirka Gaashaandhigga uu qaabilo muwaadin laga soo celiyey dal kale, gaar ahaan marka aysan jirin wax xiriir ah oo arrintaas kala dhexeeya waajibaadka wasaaraddiisa.
Dhanka kale, waxaa jira dad qaba in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu mudan yahay in si sharaf leh loogu soo dhaweeyo dalkiisa hooyo, iyadoon loo eegayn duruufaha uu ku soo laabtay.
Si kastaba ha ahaatee, su’aasha weli taagan ayaa ah: Maxay tahay sababta Wasiirka Gaashaandhigga loogu xushay soo dhaweynta garsoorahan, halkii ay arrintaasi ka ahaan lahayd masuuliyad ay qaadaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ama hay’adaha kale ee ku shaqada leh?
Ilaa hadda, ma jirto war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo sharaxaya sababta keentay in Wasiirka Gaashaandhigga ka qayb galo soo dhaweyntan, taas oo sii xoojisay doodda iyo su’aalaha ka dhex aloosan bulshada.
