MUQDISHO, Soomaaliya — Luulyo 29, 2026 —Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u guda galay hirgelinta mashruuc qaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, kaas oo lagu maalgelinayo $500 milyan. Mashruucan ayaa diiradda saaraya casriyeynta waddooyinka muhiimka ah, garoomada diyaaradaha iyo kaabayaasha magaalooyinka, waxaana laga fulin doonaa dowlad-goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland.
Sida lagu sheegay heshiisyada mashruuca, Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay maalgelintan bishii Abriil 2026, iyadoo fulinta mashruucu ay socon doonto illaa 2031, islamarkaana lacagaha lagu bixin doono wejiyo kala duwan iyadoo lagu saleynayo horumarka shaqooyinka.
Wejiga koowaad ee mashruuca ayaa hadda galay marxaladda hirgelinta, waxaana lagu bixinayaa qiyaastii $160 milyan.
Qaybta ugu weyn ee wejigan, oo dhan $138.2 milyan, ayaa lagu maalgelinayaa horumarinta kaabayaasha adkeysiga leh, gaar ahaan casriyeynta garoomada diyaaradaha iyo dhismaha waddooyin muhiim ah.
Garoomada diyaaradaha ee laga hirgelin doono dib-u-habeyn iyo qalabeyn waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Dhoobley iyo Gaalkacyo.
Mashruuca ayaa sidoo kale maalgelinaya dhismaha 63 kiiloomitir oo waddo casri ah, taas oo isku xiri doonta Hargeysa iyo xadka Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Haleya ilaa Ina Guha, si loo fududeeyo isu socodka ganacsiga iyo isku xirnaanta gobolka Geeska Afrika.
Somaliland oo Heshay $54 Milyan
Sida ku cad qorshaha mashruuca, Somaliland ayaa loo qoondeeyay qiyaastii $54 milyan, taas oo lagu fulin doono mashaariic gaar ah oo ay ugu muhiimsan yihiin dhismaha waddada Hargeysa iyo xadka Itoobiya iyo dib-u-habaynta garoomada diyaaradaha.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in waddadan ay kor u qaadi doonto isku xirka ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana ay sahli doonto isu socodka badeecadaha iyo maalgashiga gobolka.
Tayeynta Hay’adaha Dowladda
Qaybta labaad ee mashruuca ayaa lagu maalgelinayaa $5.8 milyan, waxaana diiradda lagu saarayaa tayeynta hay’adaha dowladda iyo kobcinta awoodda shaqaalaha ka shaqeeya maamulka iyo dayactirka kaabayaasha.
Barnaamijkan ayaa sidoo kale lagu taageeri doonaa tababaro farsamo iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha si loo xoojiyo maamulka mashaariicda waaweyn.
Casriyeynta Maareynta Hawada
Qaybta saddexaad ee mashruuca, oo qiimaheedu yahay $8.5 milyan, ayaa lagu maalgelin doonaa hawlgallada joogtada ah iyo dayactirka kaabayaasha.
Mashruucu wuxuu sidoo kale hirgelin doonaa nidaamyo casri ah oo lagu maamulo taraafikada hawada, oo ay ku jiraan ADS-B iyo VSAT, kuwaas oo lagu xoojinayo badqabka duulimaadyada iyo tayada adeegyada garoomada diyaaradaha.
Waxaa intaa dheer, qaybtaan waxaa lagu diyaarin doonaa qorshe maaliyadeed oo waara si loo hubiyo in kaabayaasha cusub si joogto ah loo dayactiro.
Dowladda Federaalka iyo Bangiga Adduunka
Mashruucan ayaa qayb ka ah iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo labada dhinac ay heshiiska maalgelinta kala saxiixdeen bishii Abriil 2026.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashruuca loo fulin doono marxalado kala duwan ilaa sannadka 2031, iyadoo lacagaha xiga la sii deyn doono marka la xaqiijiyo in wejiyada hore ay gaareen heerarkii lagu heshiiyay.
Soomaaliya ayaa muddo dheer la daalaa dhacaysay burburka kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo saameyn ku yeelatay isku socodka dadka iyo badeecadaha, adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.
Garoomo badan oo diyaaradeed ayaa u baahan casriyeyn, halka waddooyin badan oo muhiim ah ay weli yihiin kuwo aan laami ahayn ama u baahan dayactir ballaaran.
Maalgelintan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ee lagu dib-u-dhisayo kaabayaasha muhiimka ah si loo taageero kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Mashruuca $500 milyan ah wuxuu noqonayaa mid ka mid ah maalgelinnadii ugu waaweynaa ee Soomaaliya lagu horumarinayo kaabayaasha gaadiidka iyo duulista rayidka sannadihii u dambeeyay.
Casriyeynta waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha ayaa la filayaa inay fududeyso isu socodka dadka iyo ganacsiga, isla markaana ay sare u qaaddo isku xirnaanta dowlad-goboleedyada iyo dalalka deriska ah.
Dhismaha waddada isku xiraysa Hargeysa iyo xadka Itoobiya ayaa sidoo kale la filayaa inuu kordhiyo ganacsiga gobolka Geeska Afrika, isagoo xoojinaya isku socodka badeecadaha iyo maalgashiga xuduudaha.
