Sabti, May 16, 2026 (Baidoa Online) -Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay booqashadii uu safiirka Turkiga ee Soomaaliya ku tegay Madaxtooyada Federaalka, halkaas oo uu saaka kula kulmay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in tallaabada Turkiga ay xambaarsan tahay “farriin siyaasadeed oo culus” oo la xiriirta xaaladda hadda ee dalka, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur ah oo aan weli si buuxda loogu heshiin nidaamka doorashooyinka iyo maamulka siyaasadeed ee dalka.
Eedeyn ku saabsan taageero siyaasadeed
Qoraal uu soo saaray, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku sheegay in Turkiga uu si toos ah u muujiyay taageero uu u hayo Madaxweyne Xasan Sheekh, inkastoo uu sheegay in waqtiga dastuuriga ah ee dowladda hadda jirta uu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid xasaasi ah, isla markaana aanay jirin heshiis buuxa oo laga gaaray hannaanka doorashooyinka mustaqbalka.
“Farriin siyaasadeed oo khatar ah”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri:
“Go’aanka Turkiga ee uu si toos ah aqoonsi ugu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib waqtigiisii dastuuriga ahaa ee dhamaaday, iyo iyadoo Soomaaliya ay gashay marxalad kala-guur oo aan la isla wadin, isla markaana aan weli la isku afgaran nidaam doorasho, tallaabada maanta waa mid diraysa farriin siyaasadeed oo aad u culus.”
Saameynta xiriirka diblomaasiyadeed
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah, oo ay Ankara kaalin muuqata ku leedahay dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo horumarinta kaabayaasha dalka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa muujinaya kororka xiisadda siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan doodaha la xiriira hannaanka kala-guurka iyo doorashooyinka soo socda.
Arrintan ayaa la filayaa inay sii huriso doodaha siyaasadeed ee Muqdisho, iyadoo aan weli jirin jawaab rasmi ah oo ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya ama safaaradda Turkiga ee ku aaddan hadalkaas.
