Sabti, May 16, 2026 (Baidoa Online) -Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyey eedeymo culus oo la xiriira musuqmaasuq maaliyadeed, iyagoo sheegay in lacago gaaraya ilaa $850 milyan lagu shubay akoonno lagu tilmaamay inay la xiriiraan Madaxweynaha

Xildhibaanada ayaa eedeyntan ka sheegay dood siyaasadeed oo xiisad badan dhalisay, taas oo si weyn uga dhex dhacday kulamada Baarlamaanka, iyagoo su’aal geliyey hufnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka lacagaha dadweynaha.

Sida ay sheegeen xubnaha Baarlamaanka, arrintan waxay dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan sida loo maareeyo dakhliga iyo taageerada maaliyadeed ee dalka, iyagoo ku baaqay in baaritaan madax-bannaan oo degdeg ah lagu sameeyo eedeymahan.

Dhanka kale, Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya weli kama uusan soo saarin wax war rasmi ah oo ka jawaabaya eedeymahan culus, halka sidoo kale aanay jirin caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka la faafiyey.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta maamulka dowladda.