Arbaco, Juun 10, 2026 (Baidoa Online) -Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashada hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kadib codbixin socotay wax ka yar 40 daqiiqo, taasoo ka dhigtay hoggaamiyaha cusub ee maamulka.

Doorashada ayaa waxaa hareeyay muran siyaasadeed, iyadoo musharraxiintii la tartamaysay Aadan Madoobe ay ku doodeen in wixii ka dhacay Baydhabo aan lagu tilmaami karin doorasho xor iyo xalaal ah.

Kahor inta aysan doorashadu bilaaban, dhinacyada mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamo taageersan Aadan Madoobe inay la wareegeen hoolka doorashada, arrintaas oo la sheegay inay sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee hareysay geeddi-socodka.

Waxaa sidoo kale soo baxay eedeymo la xiriira habka loo maareeyay xildhibaannada iyo shuruudihii lagu galay goobta codbixinta. Si kastaba ha ahaatee, eedeymahan weli si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jirto jawaab rasmi ah oo ay kasoo saareen guddiga doorashada ama masuuliyiinta ku lugta leh geeddi-socodka.

Inkastoo ay jireen muranno iyo cabashooyin la xiriira hufnaanta doorashada, codbixinta ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana ugu dambeyn guusha lagu dhawaaqay Aadan Madoobe.

Natiijada doorashadan ayaa la filayaa inay sii huriso doodaha siyaasadeed ee ku saabsan sharciyadda iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.