Talaado, Juun 16, 2026 (Baidoa Online) -Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa si adag u cambaareeyay booqashadii Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay magaalada Jerusalem iyo furitaanka dhisme lagu tilmaamay “safaarad”.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aan sharci ahayn, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay sheegtay in tallaabada noocan oo kale ah ay ka hor imanayso xeerarka caalamiga ah iyo mowqifka dalalka Carabta ee ku aaddan arrimaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii socoto doodda caalamiga ah ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo arrimaha la xiriira aqoonsiga siyaasadeed.