Khamiis, Juun 18, 2026 (Baidoa Online) -Waxaa maalintii labaad si xiriir ah uga socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan dagaal beeleed u dhexeeya laba beelood oo wada dega deegaankaas, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada, xiisadda dagaalka ayaa ka dhalatay falal kufsi oo la sheegay inay dhexmareen xubno ka tirsan labada beelood. Wararka ayaa tilmaamaya in gabar yar oo ka tirsan mid ka mid ah beelaha la kufsaday maalintii Talaadada, taasoo dhalisay caro iyo muran xooggan.

Maalintii Arbacada ayaa la sheegay in saddex dhallinyaro ah ay kufsi aargoosi ah u geysteen gabar kale oo ka tirsan beesha kale, arrintaas oo sii hurisay xiisadda kana dhigtay murankii mid isu beddela dagaal hubeysan.

Dagaalka ayaa si degdeg ah ugu fiday qaybo ka mid ah degmada Jalalaqsi, waxaana la soo sheegayaa in rasaas culus la isku adeegsaday. Dad badan oo rayid ah ayaa lagu warramayaa inay ka barakaceen guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku sii xoogeysto.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalku sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada saxda ah ee khasaaraha.

Odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta deegaanka ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda, hase yeeshee xaaladda degmada ayaa weli kacsan, iyadoo dagaalku mararka qaar dib uga qarxayo meelo kala duwan.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli degmada Jalalaqsi iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay horey uga jireen khilaafaadyo beeleed oo mararka qaar isu beddela dagaallo sababa khasaarooyin naf iyo maalba leh.