Arbaco, Juun 17, 2026 (Baidoa Online) -Dagaal beeleed xooggan ayaa laga soo sheegay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaasi oo billowday gelinkii dambe ee Arbacada, sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah.
Dagaalka ayaa yimid kadib dhacdooyin la xiriira tacaddi galmo oo lagu soo warramayo in ay ka dhaceen degmada. Sida ay dadka deegaanku sheegayaan, xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii Talaadadii gabadh yar lagu kufsaday gudaha magaalada.
Arbacadii ayaa la sheegay in saddex dhallinyaro ah ay fal aargoosi ah u geysteen gabadh kale oo ka tirsan beesha ay ka soo jeedaan dadka lagu eedeeyay kufsigii hore, taas oo sii hurisay xiisadda isla markaana sababtay in dagaal toos ah uu dhex maro labada beelood.
Dagaalka ayaa si degdeg ah ugu fiday qaybo ka mid ah degmada, iyadoo ay dad rayid ah ka barakaceen guryahooda si ay uga baxsadaan rasaasta iyo colaadda.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu weli kacsan tahay, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii ballaarto. Tirada khasaaraha rasmiga ah weli lama xaqiijin.
Gobolka Hiiraan ayaa marar badan horey uga dhacay dagaallo beeleedyo salka ku haya xiisado hore iyo dhacdooyin degdeg u kiciya colaado.
Maamulka degmada iyo kan gobolka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladda cusub ee ka taagan Jalalaqsi.
