Isniin, Juun 15, 2026 (Baidoa Online) -Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay berri soo gaaraan wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ahmet Cemalettin Çelik, Ku-Xigeenka Madaxa Hay’adda Sirdoonka Turkiga, iyadoo booqashadan ay qeyb ka tahay dadaallada ay Dowladda Turkigu ku doonayso in miiska wada hadalka la isugu keeno Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, wafdigan ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaradka iyo dhinacyo kale oo saameyn ku leh siyaasadda dalka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed iyo xallinta khilaafaadka taagan.
Booqashadan ayaa kusoo aadaysa xilli ay weli taagan yihiin muranno siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka, iyo arrimo kale oo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Turkiga ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibbada ugu dhow ee Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaatay dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda. Sidoo kale, Ankara ayaa sanadihii dambe sii xoojisay dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo wada-hadallada iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa u arka safarka Ahmet Cemalettin Çelik inuu muujinayo sida ay Turkigu uga go’an tahay inuu sii wado doorkiisa ku aaddan dhexdhexaadinta iyo dhiirrigelinta wadahadal siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Inkasta oo aan wali si rasmi ah loo shaacin jadwalka wada-hadallada la qorsheynayo, haddana booqashada wafdigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu furayo waddo cusub oo is-afgarad siyaasadeed iyo wada-xaajood dhexmara dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
