Khamiis, May 21, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay wararka la xiriira qorshaha lagu furayo safaarad ay Somaliland ku leedahay magaalada Qudus, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid sharci-darro ah isla markaana ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar magaalada Qaahira 21-ka May 2026 ayaa lagu sheegay in Masar si buuxda u diidan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu beddelayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Qudus oo la haysto.

Masar waxay caddeysay in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah. Dowladda Masar ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsi ama sharciyeyn loo sameeyo wakiillo diblomaasiyadeed oo ku sugan Qudus ay dhaawaceyso dadaallada nabadda Bariga Dhexe iyo heshiisyada caalamiga ah ee arrintan khuseeya.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda Qudus ay tahay “waxba kama jiraan” islamarkaana aysan lahayn wax saameyn sharci ah.


Dhanka kale, Masar waxay markale ku celisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qaahira ayaa sidoo kale sheegtay inay si cad uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada iyo sovereignty-ga Soomaaliya.


Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan, iyadoo ay weli socdaan doodaha ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed iyo raadinta aqoonsi caalami ah ee Somaliland.