GAROWE — Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay inuu door muuqda ka qaato xalinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo dalbatay taageero caalami ah oo toos ah, isla-xisaabtan dheeraad ah iyo dammaanad qaadyo caalami ah oo lagu xaqiijinayo heshiis siyaasadeed oo dhex mara Garowe iyo Muqdisho.

Codsigan ayaa ku qornaa warqad uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka, kahor kulanka Golaha Ammaanka ee la filayo in looga hadlo xaaladda Soomaaliya.

Warqadda ayaa Puntland ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo sheegtay in khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka uu saameyn ku yeeshay dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo dadaallada lagula tacaalayo burcad-badeednimada dib uga soo cusboonaatay xeebaha Soomaaliya.

Khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa muddo socday, wuxuuna salka ku hayaa wax-ka-beddelka dastuurka, awood-qaybsiga, maareynta taageerada caalamiga ah iyo habka loo kala hago ciidamada ammaanka.

Inkasta oo warqaddu Puntland ku tilmaantay dowlad dastuur ahaan iskeed isu maamusha oo si hawlgal ahaan u madax-bannaan, haddana si toos ah uguma dhawaaqin inay ka go’eyso Soomaaliya, mana dalban aqoonsi caalami ah oo ay ku noqoto dal gaar ah. Halkii, waxay ku baaqday in wax laga beddelo habka ay beesha caalamku ula macaamisho Puntland iyo dowlad-goboleedyada kale.

Hoos waxaa ku qoran shanta qodob ee Puntland ay u gudbisay Golaha Ammaanka.

1. Soo celinta nidaamka “Dual Track”

Qodobka ugu weyn ee Puntland dalbatay waa in dib loo soo celiyo nidaamka loo yaqaan “Dual Track.”

Nidaamkan ayaa u oggolaan lahaa beesha caalamka inay la shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana xiriir iyo taageero toos ah la yeelato dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Taageeradaasi waxay taaban lahayd amniga, horumarinta iyo arrimaha bani’aadannimada.

Puntland waxay sheegtay in nidaamkan uu u sahli karo inay hesho qoondadeeda ku habboon ee taageerada caalamiga ah, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari iyo ka hortagga burcad-badeednimada ka jirta Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Maamulka Puntland ayaa ku doodaya in ciidamadiisu ay culays weyn ku hayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee waqooyi-bari Soomaaliya, balse aysan helin taageero ku filan oo ka timaadda Dowladda Federaalka.

Dalabkan ayaa xasaasi siyaasadeed leh, maadaama Dowladda Federaalka ay inta badan ku adkaysato in gargaarka iyo xiriirka caalamiga ah lagu hago hay’adaha qaranka ee Muqdisho. Puntlandse waxay u aragtaa in taageerada tooska ahi ay lagama maarmaan u tahay sugidda ammaanka iyo xasiloonida deegaanadeeda.

2. Xoojinta kormeerka QM iyo dib u eegista taageerada amniga

Puntland waxay Golaha Ammaanka ka codsatay in la xoojiyo doorka Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay, dib loo eego nidaamyada xakameynta hubka, isla markaana la kordhiyo ama la dheereeyo mandate-ka Xafiiska Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNTMIS.

Codsigan ayaa ka dhashay walaaca Puntland ee ah in hub, gaadiid iyo agab amni oo loogu talagalay dagaalka argagixisada loo adeegsan karo khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah.

Warqadda, Puntland waxay ku eedeysay Dowladda Federaalka inay taageertay ciidamo ka hawlgala deegaanno ay Puntland sheegato inay maamusho. Waxay tusaale u soo qaadatay xiisadaha ka dhacay agagaarka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay sheegtay inay qabatay hub iyo agab ay ku xiriirisay howlgallo ay Dowladda Federaalka taageertay.

Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jirin jawaab degdeg ah oo ay Dowladda Federaalka ka bixisay qodobada gaarka ah ee ku xusan warqadda.

Puntland waxay sheegtay in loo baahan yahay hannaan adag oo Qaramada Midoobay ku kormeerto isticmaalka saxda ah ee taageerada amniga, si loo hubiyo in aan loo leexin ujeeddooyin siyaasadeed.

3. Puntland oo Muqdisho ku eedeysay inay marin-habaabisay Golaha Ammaanka

Qodobka saddexaad, Puntland waxay ku eedeysay Dowladda Federaalka inay Golaha Ammaanka gaarsiisay warbixin aysan Puntland u arag inay ka tarjumeyso xaqiiqada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Puntland waxay Golaha Ammaanka ka dalbatay hufnaan, isla-xisaabtan iyo in xaaladda dalka aan lagu qiimeyn warbixinnada ka yimaadda Muqdisho oo keliya.

Khilaafkan ayaa xiriir la leh muranka siyaasadeed ee xoogaystay tan iyo 2023, gaar ahaan wax-ka-beddellada dastuurka iyo qaabka uu u shaqeynayo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay marar badan diidday isbeddellada dastuuriga ah ee ay sheegtay in aan lagala tashan dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada kale ee siyaasadda. Garowe waxay ku doodaysaa in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisi karo heshiis loo dhan yahay, ee aan lagu saleyn go’aanno hal dhinac ah.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkaysata in dib-u-habeynta dastuurku muhiim u tahay dhammeystirka dhismaha dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha qaranka.

4. Dammaanad qaadyo caalami ah oo lagu xaqiijinayo heshiis siyaasadeed

Puntland waxay sheegtay in heshiis kasta oo siyaasadeed oo dhex mara Garowe iyo Muqdisho uu u baahan yahay dammaanad qaadyo caalami ah.

Maamulka Puntland wuxuu ku doodayaa inaan lagu haleyn karin ballanqaadyada siyaasadeed iyo amni ee Dowladda Federaalka oo keliya. Waxay doonaysaa in Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ay noqdaan dhinacyo dammaanad qaada heshiiska, gaar ahaan arrimaha dastuurka, awood-qaybsiga, amniga iyo qaybsiga taageerada caalamiga ah.

Dalabkan wuxuu muujinayaa heerka kalsooni darrada ka dhex jirta Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Puntland waxay muddo dheer ahayd dowlad-goboleed door muhiim ah ku leh siyaasadda Soomaaliya iyo wadahadallada qaran. Hase yeeshee, xiriirka Garowe iyo Muqdisho ayaa si weyn u xumaaday, iyadoo khilaafku ku fiday dastuurka, maamulka ciidamada iyo habka loo maareeyo kaalmada caalamiga ah.

Dammaanad qaadyada caalamiga ah waxay yeelan karaan qaabab kala duwan, sida heshiisyo dhexdhexaadin leh, jadwal fulin, hannaan kormeer iyo warbixinno joogto ah oo loo gudbiyo saaxiibada caalamiga ah.

5. Eedeynta ku saabsan isku day lagu carqaladeynayay Puntland

Qodobka shanaad, Puntland waxay sheegtay inay dhowaan ka hortagtay isku day ay ku eedeysay Dowladda Federaalka inuu ahaa mid lagu carqaladeynayay ammaanka iyo nabadda gudaha Puntland.

Waxay sheegtay in ciidamadeedu ay qabteen xerooyin, hub, gaadiid iyo agab kale kadib isku dhacyo ka dhacay deegaanka Gaalkacyo. Puntland waxay ku eedeysay Dowladda Federaalka in qaar ka mid ah agabka loogu talagalay la dagaalanka argagixisada loo adeegsaday arrimo siyaasadeed.

Eedeymahan waa kuwo culus, mana helin xaqiijin madax-bannaan. Dowladda Federaalka weli si cad ugama jawaabin eedeymahaas sida ay Puntland u soo bandhigtay.

Puntland waxay ku doodaysaa in xiisadaha noocan ahi ay daciifinayaan hawlgallada amni xilli ay ciidamada Puntland dagaal kula jiraan Daacish, isla markaana ay jirto cabsi la xiriirta burcad-badeednimo dib ugu soo laabatay xeebaha Soomaaliya.

Warqadda Puntland u dirtay Golaha Ammaanka ma aha oo keliya cabasho ka dhan ah Dowladda Federaalka. Waa isku day ay Puntland ku doonayso inay wax ka beddesho habka beesha caalamku u wajahdo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Garowe waxay rabtaa xiriir iyo taageero caalami ah oo toos ah, kormeer adag oo lagu sameeyo taageerada amniga, sii jiritaanka doorka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay iyo dammaanad qaadyo lagu xaqiijinayo heshiis siyaasadeed.

Waxa kale oo ay muujinaysaa in khilaafka Puntland iyo Muqdisho uusan ku koobnayn wadahadallada gudaha Soomaaliya, balse loo gudbiyay fagaaraha caalamiga ah, iyadoo laga digayo saameynta uu ku yeelan karo dagaalka argagixisada, maareynta hubka, gargaarka bani’aadannimada, burcad-badeednimada iyo xasiloonida gobolka.