Isniin, Juun 15, 2026 (Baidoa Online) -Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa war culus ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo si rasmi ah u sheegtay inaysan qayb ka ahayn guddiga doorashada ee hadda lagu muransan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Seeko, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Galmudug aysan aqbali karin guddiga doorashada ee guddoomiyihiisu lagu eedeynayo inuu la safan yahay mid ka mid ah dhinacyada siyaasadeed ee isku haya arrimaha doorashada.

Galmudug ayaa carrabka ku adkeysay in doorasho xor iyo xalaal ah ay ku dhici karto oo keliya marka la helo guddi madax-bannaan, dhexdhexaad ah, isla markaana ay ku kalsoon yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Maamulka ayaa sidoo kale ka digay in doorasho lagu galo guddi aan dhexdhexaad ahayn ay sii hurin karto khilaafaadka siyaasadeed ee jira, islamarkaana dhaawici karto kalsoonida shacabka iyo saamileyda siyaasadeed.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan murannada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo dhismaha guddiyada maamulaya geeddi-socodka doorashada Soomaaliya.