Khamiis, May 14, 2026 (Baidoa Online) -Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka digay in shirarkii iyo wada-hadalladii u dambeeyay ee u dhexeeyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay ku dhammaadeen natiijo la’aan, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada qaranka.

Isagoo ka hadlayay xiisadaha siyaasadeed ee taagan, Garaadka ayaa sheegay in “qarannimadu ku dhisan tahay heshiis bulsho,” isagoo xusay in heshiiska siyaasadeed ee hadda jira uu wajahayo halis weyn.

Sidoo kale, wuxuu dhaliilay hoggaamiyeyaasha beelaha Hawiye, isaga oo ku eedeeyay inay muujiyeen dadaal iyo degdegsiimo la’aan ku aaddan xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Garaad Jaamac ayaa sheegay in dhinacooda ay muujiyeen dulqaad iyo ixtiraam maadaama wada-hadalladu ka socdeen Muqdisho, caasimadda dalka, oo uu ku tilmaamay xarunta siyaasadeed ee beelaha Hawiye.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in aysan sii ahaan doonin daawadayaal, islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin inay door toos ah ka qaataan wax ka qabashada xaaladda siyaasadeed ee dalka.