Jimco, May 15, 2026 (Baidoa Online) -Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa soo saaray baaq adag oo ku socda ciidamada kala duwan ee amniga dalka, iyagoo ugu yeeray in ay si buuxda u ilaaliyaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, gaar ahaan ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida dalka.

Goluhu wuxuu sheegay in ciidamada looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayna fahmaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay madaxweyne hore, sidaas darteedna aysan ka qaadan karin wax amarro fulineed ah oo ka baxsan hab-raaca dastuurka iyo kala-guurka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku adkeystay in loo baahan yahay in dhammaan hay’adaha amniga ay si dhexdhexaad ah u gutaan waajibaadkooda, iyagoo ilaalinaya sharciga, dastuurka, iyo midnimada dalka.

Dhanka kale, goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jira kooxaha argagixisada, isagoo ku tilmaamay geesiyaal naftooda u huraya difaaca shacabka iyo qarannimada Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada uu yahay mid muhiim ah oo qaran, isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hanaqaada