Khamiis, Juun 11, 2026 (Baidoa Online) -Xiisad xooggan ayaa saaka ka taagan Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kadib markii ciidamada dowladda la sheegay inay rasaas nool u adeegsadeen dadweyne ka bannaanbaxayay duminta guryaha.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobta, isku dhacyo ayaa ka dhacay waddada aadda Xeebta Liido, gaar ahaan agagaarka Xarunta Gaadiidka Booliiska ee Degmada Cabdicasiis. Dadka deegaanka ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay ka dhasheen cabashooyin la xiriira duminta guryaha, taasoo keentay isku dhac dhex maray ciidamada ammaanka iyo shacabka bannaanbaxayay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas fureen si ay u kala eryaan dadka bannaanbaxayay, halka qaar ka mid ah shacabka ay dhagxaan ku weerareen ciidamada, taasoo sii xoojisay rabshadaha.
Xaaladda amni ee degmada ayaa sababtay barakac ay sameeyaan qaar ka mid ah dadka deegaanka, iyadoo qoysas badan ay ka baxayaan goobaha ay rabshaduhu saameeyeen iyagoo ka cabsi qaba ammaankooda.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku saabsan dhacdadan, mana cadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada.
Xaaladdu weli waa mid kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.
