Axad , Juun 14, 2026 (Baidoa Online) -Axad , Juun 14, 2026 (Baidoa Online) -Boqolaal maleeshiyaad beeleed ah iyo ciidamo hubeysan ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyagoo muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qorshaha doorashada qof iyo cod ee ay dowladda federaalku waddo.
Dibad-baxayaasha ayaa magaalada ku soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub culus, iyadoo ciidamada ka qeybgalayay ay muujiyeen awood ciidan oo aan horay looga arag magaalada. Ka qeybgalayaasha ayaa sheegay inay diiddan yihiin waxa ay ku tilmaameen qorshe doorasho oo hal dhinac laga wado, islamarkaana aan lagu dhisin wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Ciidamada iyo hoggaamiyeyaasha taageersan dibad-baxa ayaa ku gooddiyay inay ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo lagu hirgelinayo doorasho aysan ku jirin heshiis siyaasadeed iyo is-afgarad qaran.
Dibad-baxan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo deegaannada Galmudug, iyadoo dadka deegaanka ay ku tilmaameen dhacdo aan horay uga dhicin Caabudwaaq marka loo eego tirada ciidamada, hubka la soo bandhigay iyo fariimaha siyaasadeed ee laga jeediyay.
Dhacdadan ayaa muujinaysa kororka xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya, xilli ay jiraan dooddo xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo isbeddellada siyaasadeed ee dalka.
