Khamiis , Juun 4, 2026 (Baidoa Online) -Dagaallada ayaa sii xoogeysanaya, waxaana ay weli ka socdaan isla goobtii ay ka bilowdeen 15 saacadood ka hor, agagaarka hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Rabshadahaan ayaa ka dambeeyay baaq ay mucaaradku ugu yeereen bannaanbaxyo lagu qabanayo 4-ta Juun 2026 oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya. Kooxaha mucaaradka ayaa dib isu abaabulay, iyagoo u kala dhaqaaqay goobo kala duwan oo ka tirsan caasimadda Muqdisho, halka ciidamada dowladda ay isku dayeen inay xaddidaan isu-soo-baxyada.

Sidaas darteed, dagaallo culus ayaa ka qarxay magaalada galinkii dambe ee Arbacada, kuwaas oo socday habeenkii oo dhan isla markaana weli sii socda. Xaaladda ammaanka ee aagga dagaalladu ka socdaan ayaa weli ah mid kacsan.