Jimco, May 29, 2026 (Baidoa Online) -Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqaymo culus oo cirka ah lagu beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Jilib, kuwaas oo la sheegay in ay geysteen khasaare lixaad leh.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugo waaweyn iyo qaraxyo is xigxigay, iyadoo diyaarado dagaal ay fulinayeen hawlgal duqayn ah oo lagu beegsanayay xarumo lagu tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah.
Saraakiil amni oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi uu sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda Al-Shabaab, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah oo dhimasho iyo dhaawac ah. Waxay sidoo kale sheegeen in Hay’adda NISA ay soo saari doonto war rasmi ah kadib marka la dhammeeyo qiimeynta howlgalka.
Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, duqaynta waxaa fuliyay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Duqaymo kale oo la mid ah ayaa sidoo kale laga soo werinayaa qaybo ka mid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, iyadoo cadaadiska lagu saarayo goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab uu sii xoogeysanayo.
