Sabti , Juun 6, 2026 (Baidoa Online)-Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa xiray isgoyska Beexaani, oo ku dhow xarunta Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee deegaanka Habar Khadiijo ee magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inay jirto xiisad u dhexeysa saraakiil sare oo ka tirsan Nabad-sugidda iyo Ciidanka Xoogga Dalka, taasoo la xiriirta baaritaanno hub oo lagu wado in lagu sameeyo guryaha saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta deggen agagaarka Mirinaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, uu noqon karo bartilmaameedka arrintan, hase yeeshee wararkaas wali si madax-bannaan looma xaqiijin.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii uu dib u dhacay bandhig hub oo ay Booliisku qorsheeyeen inay ku qabtaan saldhigga Booliiska degmada Cabdicasiis, kadib markii uu tallaabadaas ka horyimid Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ay dowladda ama hay’adaha ammaanku kasoo saareen dhacdadan, iyadoo xaaladda ay weli tahay mid is beddeli karta. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.