Thursday , June 18, 2026 (Baidoa Online) -Urur-goboleedka IGAD ayaa mar kale adkeeyay taageeradiisa ku aaddan madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo xornimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib warar la xiriira furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelatay magaalada Qudus (Jerusalem).
War-saxaafadeed ay IGAD soo saartay Khamiistii ayay ku sheegtay inay la socoto wararka ku saabsan furitaanka safaarad la sheegay inay Somaliland ka furatay Qudus, iyadoo dib u xoojisay mowqifkeeda ah in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
IGAD ayaa sheegtay in mowqifkeedu uu waafaqsan yahay heshiisyada ururka, dastuurka Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo dhammaantood ilaalinaya madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah.
Ururka ayaa walaac ka muujiyay tallaabo kasta ama hindise kasta oo wiiqi kara madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ka digay in arrimaha noocaas ahi ay sii hurin karaan xiisadaha isla markaana khatar gelin karaan nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.
“Xoghaynta IGAD waxay walaac ka qabtaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka IGAD ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan wararka la xiriira xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, arrin dhalisay falcelin siyaasadeed oo ka timid gudaha Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Geeska Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah u adkaysata in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo loo fasiran karo aqoonsi siyaasadeed oo gaar ah.
Hadalkan IGAD ayaa loo arkaa taageero cad oo ay ururku u muujinayo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xilli ay gobolka ka jiraan xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya.

