Isniin, 8 Juun 2026 (Baidoa Online) — Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan ayaa gashay marxalad aad u khatar badan, kaddib markii labada dhinac ay saacadihii hore ee saaka is dhaafsadeen weerarro culus. Falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa ku tilmaamay iska horimaadkan kii ugu darnaa tan iyo markii xabbad-joojin la gaaray 8-dii Abriil.
Colaaddan Bariga dhexe waxa si rasmi ah hada ugu soo biirey kooxda Xuutiyiinta Yemen isla markaana halis gelisay marinnada maraakiibta ee Badda Cas, ayaa gobolka ku riixaya qarka dagaal ballaaran oo heer gobol ah.
Israa’iil oo Weerarro Ka Fulisay Gudaha Iiraan
Howlgal habeenimo oo ballaaran ayay ciidamada Israa’iil ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha iyo galbeedka Iiraan, iyagoo adeegsaday gantaallo laga soo tuuray hawada.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Tehran, Tabriz, Isfahan iyo Karaj, inkastoo mas’uuliyiintu aysan markiiba shaacin goobaha la beegsaday iyo baaxadda khasaaraha ka dhashay.
Goobjoogayaal ku sugan Tehran ayaa sheegay inay maqleen ugu yaraan hal qarax oo xooggan oo ka dhacay galbeedka caasimadda. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Israa’iil ay weerarka ku adeegsatay gantaallo laga soo riday diyaarado.
Wararka ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee Fars iyo Mehr ayaa tilmaamay in mid ka mid ah weerarrada uu ku dhacay warshad kiimiko iyo batrool oo ku taalla magaalada Mahshahr ee gobolka Khuzestan. Weerarrada kaddib, Iiraan waxay xirtay hawada ku wareegsan Garoonka Caalamiga ah ee Imaam Khumeyni ee Tehran.
Iiraan oo Jawaab Degdeg ah Bixisay
Iiraan ayaa si dhaqso leh uga jawaabtay weerarrada, iyadoo gantaallo cusub ku ridday dhulka Israa’iil.
Qaraxyo ayaa laga maqlay bartamaha Israa’iil, halka nidaamyada difaaca cirka ay isku dayayeen inay soo ridaan gantaallada kusoo wajahnaa. Seeriga digniinta gantaallada ayaa ka yeeray guud ahaan Israa’iil iyo sidoo kale dalka deriska la ah ee Urdun, taasoo muujinaysa in colaaddan ay sii faafayso meel ka baxsan labada dal ee sida tooska ah u dagaallamaya.
Is-weydaarsigan weerarrada ah ayaa noqday kii ugu xooganaa tan iyo markii la gaaray xabbad-joojintii Abriil, taasoo muddooyinkii dambe si joogto ah loogu xadgudbayay, ka hor inta aanay Israa’iil Axaddii weerar ku qaadin koonfurta Bayruut.
Xuutiyiinta Yemen oo Mamnuucay Maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas
Xuutiyiinta Yemen ayaa Isniintan ku dhawaaqay inay gantaallo ku weerareen Israa’iil, isla markaana ay gebi ahaanba mamnuuceen maraakiib kasta oo ku wajahan dekedaha Israa’iil inay maraan Badda Cas.
Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in tallaabadan lagu taageerayo shacabka Falastiin, Lubnaan iyo Iiraan, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii mamnuucistaasi si buuxda loo dhaqan gelin lahaa.
Go’aankan ayaa lagu tilmaamayaa marxalad cusub oo khatar ah oo saameyn weyn ku yeelan karta dhaqaalaha caalamka. Marinka Hormuz oo horeyba u wajahayay carqalado waaweyn ayaa hadda wajahaya cadaadis cusub oo ka imanaya dhinaca Badda Cas.
Sacuudi Carabiya ayaa sanadihii dambe ku tiirsanayd dhuumaha saliidda ee East-West Pipeline si ay saliidda ugu dhoofiso Badda Cas, iyadoo ka fogaanaysa marinka Hormuz. Hase yeeshee hanjabaadaha Xuutiyiinta ayaa khatar gelinaya labada marin ee ugu muhiimsan dhoofinta saliidda gobolka, taasoo saamayn culus ku yeelan karta sahayda tamarta ee dunida.
Dhanka kale, seeriga digniinta gantaallada ayaa laga maqlay gobolka Al Kharj ee Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay ku taallo saldhigga ciidamada cirka ee Prince Sultan Air Base oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka. Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in digniintaasi ay dhammaatay muddo yar kaddib, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin halka halistaasi ka timid.
Trump oo Ku Baaqay Isdejinta Xiisadda
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in la yareeyo xiisadda sii kordheysa, kaddib weerarradii ugu dambeeyay ee labada dhinac.
Warar hore oo ay daabaceen warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in Trump uu ka carooday go’aankii Israa’iil ee weerarkii lagu qaaday degmada Dahiya ee Bayruut, isagoo u arkayay tallaabadaas mid dhaawacaysa dadaallada diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Washington iyo Tehran.
Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa weerarka sii wadday, waxaana muuqata in wadahadalladii diblomaasiyadeed ee lagu raadinayay xabbad-joojin waarta ay hadda wajahayaan caqabado aad u waaweyn.
Dagaal Saameyn Caalami ah Leh
Colaaddan oo maanta gashay maalintii 101-aad ayaa bilaabatay 28-kii Febraayo 2026, markii weerarro ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ay dileen Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan iyo saraakiil kale oo sare.
Tan iyo markaas, dagaalku wuxuu ku fiday dalal iyo kooxo kale oo gobolka ka tirsan, oo ay ku jiraan Xisbullah ee Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen iyo kooxo hubeysan oo ka hawlgala Ciraaq iyo dalalka Khaliijka.
Xabbad-joojintii 8-dii Abriil waligeed si buuxda looma dhaqan gelin, iyadoo labada dhinacba lagu eedeynayay xadgudubyo isdaba joog ah, ka hor inta aanay weerarradii Bayruut xaaladda gaarsiin meel halis ah.
Saamaynta dhaqaale ee dagaalka ayaa sii xoogeysaneysa. Qiimaha saliidda ayaa gaaray heerarkii ugu sarreeyay muddo sanado ah, halka carqaladaha marinka Hormuz ay sii socdaan. Haddii Xuutiyiintu hirgeliyaan xanibaadda ay ku hanjabeen ee Badda Cas, waxaa si weyn u saameyn doona ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha caalamka.
Qiimaha shidaalka iyo cuntada ayaa si weyn kor ugu kacay dalal badan oo soo koraya, gaar ahaan Geeska Afrika, Koonfurta Aasiya iyo dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in haddii aan si degdeg ah loo dejin xaaladda, gobolka uu ku sii siqayo dagaal ballaaran oo aan dhinacna si buuxda ugu diyaar garoobin, balse aanay jirin cid si dhab ah uga hortageysa.
Saacadaha iyo maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo go’aamin doona jihada uu dagaalkani u leexan doono.
Baidoa Online waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxayna soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay marka ay soo baxaan.
